Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay’adda Horumarinta Mareykanka Ee USAID.

0

sacid iyo xassanMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho eee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Dalka ayaa maanta si kala gooni gooni ah magaalada Muqdisho ugu qaabilay mas’uulika Hay’adda Hormarinta Mareykanka iyagoo ka wada Hadlaya mashaariic la xiriira Hormarinta Dalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socday dowladda Mareykanka ee ay maanta siyaabo kala gooni gooni ah ugu qaabileen Muqdisho, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, waxaa hor kacay madaxa hay’adda horumarinta Mareykanka ee USAID, Dr  Rajiv Shah.

kulanka hore waxaa wada qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dr Rajiv Shah maamulaha hay’adda USAID, waxeyna uga wada hadleen arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo sida dowladda Mareykanka ay u ballaarin karto howshaasi.

Kulankooda kaddib ayeey saxaafadda wadajir  ula hadleen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Rajiv Shah, madaxweynaha dalka ayaa ugu horeyn tilmaamay  in arrimahii ay ka wada hadleen masuulkan in ay isla garteen dhammaantood.

Sidoo kale Dr. Rajiv Shah ayaa tilmaamay in ay doneyso dowladda Mareykanka caawinta dhammaan dadka Soomaalida ah, isagoo ku dhawaaqay 20 Milyan oo lagu taageerayo, arrimo ay ka mid yihiin Waxbarashada, Cunna yarida iyo Caafimaadka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid ayaa warfiyeennada uga warramay kulan uu la qaatay isla madaxa sare ee hay’adda horumarinta Mareykanka ee USAID Dr Shah, waxyaabihii ay isla soo qaadeen ee la xiriirray Teegeerada dowladda Soomaaliya, isagoo uga mahadcelinayaa dowladda Mareykanka dadaalka dheeriga ah ee ay Soomaaliya ku caawineyso.

Kulanka R/wasaare Saacid uu la qaatay madaxa USAID waxaa ku  goob joog ka ahaa Ra’iisul wasare ku xiggeen ahna wasiirka Arrimaha Dibedda, iyo xubo kale oo Xukuumadda ka tirsan, waxaana intiisa badan diiradda lagu saaray isbadelka Mareykanka uu la yimaaday ee uu ku garab taagan yahay Soomaaliya,  waxaana madaxda dowladda oo uu ugu horeeyo madaxweynaha ay ku dadaalayaan sidii looga faa’ideysan lahaa olollaha isbadelka leh ee uu addduunka kula shaqeynayo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com