Xaglo Geel Ka Wayn Wax Gunti Lagaliyo, Jubbaland-na Ka Wayn Wax Beel La Cararto.

0

MaqaalMaqaal: Xogta ka imaanaysa magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in leeysku dayayo in afduub lagu sameeyo dhamaan Qabaa’ilada Soomaaliyeed ee daga gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo aan raali ka ahayn qabashada waqtigan shir maamul loogu sameenayo Jubbooyinka iyo Gedo.

Qabaa’iladan diidan shirka in uu qabsoomo waqtigan ayaa waxa ay ku sababeeyeen in deegaanada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo qaar kamid ah deegaanada inay ku jiraan gacanta falaagada Al Shabaab oo loo baahan yahay in marka hore la xoreeyo deegaanadaas kadibna wadatashi ay yeeshaan dhamaan beelaha.

Shirkan ayaa waxa dadka ku dirqinaya ururka IGAD iyo dowladda Kenya oo iyaga wata qorsho u gaar ah oo aysan raali ka ahayn dowladda Soomaaliya si toos ah iyo si dadbanba ugga warheeyso ujeedka dhabta ah ee IGAD iyo Kenya.

Maxaa dhici kara hadii uu shirkan dhaco iyada oo aysan qayb ka ahayn beelahan diidan in waqtigan shirka dhaco, waxaa dadka indha indheeya siyaasada ay sheegeen in uu dhici karo dagaal faraha looga gubto oo dhex mara beelaha wax diidan iyo kuwa wax doonaya, taa oo ah waxa ay doonayaan maamulo aan marnaba u cuntameen in ay dhisanto jubbaland balse hoowshoodu hadda ay tahay (Qawda Maqashii Waxna Ha U Qaban).

Waxaa jira Maamulo aan marnaba raali ahay in uu dhismo maamulka Jubbaland sababtoo ah marnaba ma ay doonayaan in maamul sidooda oo kale ah kunna gor gortama xilalka dowladda uu ka curto koonfurta Soomaaliya, iyagoona diidin eedna galin bey waxa ay doonayaan in beelaha daga goboladaas kuwooda ugu tunka wayn inay ku dagaalamaan dhiig badana ku daato deegaanadaas, maamuladan ayaa doonaya inay eed la’aan ay ku helaan danta ay leeyihiin oo ah in aan maamul aan iyaga ahayn la yagleelo.

Isku soo wada duub oo waxaan leeyahay Xaglo Geel Ka Wayn Wax Gunti Lagaliyo, Jubbaland-na Ka Wayn Wax Beel ay Kenya gadaal ka taagan tahay ay La Cararto.

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com