Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabatay.*Daawo*

0

Fowsiyo-MuqdishoMuqdisho (AGGM): Wasiirka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maalmihii ugu danbeeyay safar shaqo ugu maqneyd dalka dibadiisa ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadashay ayaa faah faahin ka bixisay kulankii gollaha amanka ee New York kaasoo looga hadllayay arrimaha Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in shirkaas uu ahaa mid si qota dheer looga wada hadllay sidii cunaqabateynta hubka ee saaran dowladda Soomaaliya looga qaadi lahaa, iyada oo intaa raacisay in xubnaha qeybta ka ah gollaha amaanka si wanaagsan arintaa uga wada hadlleen.

‘’Golluhu arintaa aad ayuu u soo dhaweeyay si wanaagsanna waa looga dooday, laakiin wali ma jiro wax go’aan ah oo laga gaaray, waxaana rajeynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga qaadan doonaa,’’ ayeey tiri Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Mar ay soo hadal qaaday is hor taagii ay ku sameysay codsigii Kenya ee ahaa in ciidamada badda Kenya lagu biiriyo howlgalka AMISOM, iyada oo sheegtay in mowqifka dowladda Soomaaliya ay arintaa ka qaadatay waxba u dhimi doonin xiriirka labada dowladood.

Fowziyo Yuusuf ayaa carabka ku dhufatay in Kenya ay kala hadleen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u diska ciidamada badda Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan Ilaalinta biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa dowladda federaalka uga qeyb-gashay shirkii gollaha amaanka QM ee ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com