Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Yeeray Gudoomiyihii Gobalka Bay.

0

madxweyneeeeeMuqdisho (AGGM): Wixii ka danbeeyay horaantii bishan oo uu Gudoomiyaha barlamaanka  Soomaaliya xili uu ahaa Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya xil ka qaadis  ku sameeyay Gudoomiyihii Gobalka bay ee Maamulka Dowlada C/fitaax Maxamed Ibraahin  Geesey ayaa Gobalka Bay waxaa hareeyey Khilaaf xoogaan.

Khilaafka ka bilowdey magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka danbeeyay markii Geesey uu diidey inuu ka dego xilka Gudoomiyaha Gobalka, islamarkaana uu ku  wareejiyo Gudoomiyaha  cusub  ee lasoo magacaaba ayaa waxaa arintaasi soo fara galiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Maalintii  shaley ayaa waxaa diyaarad uu  soo direy Madaxweynaha Soomaaliya  ay ka soo dagtey Magaalada  Baydhabo, waxaana halkaasi laga  soo qaadey Gudoomiyihii xilkalaga qaadey ee Gobalkaasi C/fitaax Geesey.

C/fitaax Geesey oo hada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo sheegayaa in la  dajiyey  Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho,waxaana lagu wadaa in caawa kulan uu laqaato Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Geesey ayaa waxaa uu Madaxtooyada Soomaaliya laga sugayaa Halka  saac ee caawa waxaana halkaasi ku sugaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo madaxda kale oo  Dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu ku qancin doono Gudoomiyaha Gobalka Bay oo xilka qaadista diidey, isagoona Geesey ku doodayay in Gobalka ay ka dhacdo doorasho si shacabka ay u doortaan Gudoomiye cusub.

Hadii C/fitaax Geesey uu ogolaado inuu xilkaka dego ayaan la ogeyn sida Gudoomiyaha cusub ay u aqabalayaan inuu  Gudoomiyaha barlamaanka uu soo magacaabo Gudoomiye Gobalka  xili howshaas ay leedahay Wasaarada arimaha Gudaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com