Howlgalka Ciidamada AMISOM Oo Mudo Sanad Ah Loo Kordhinayo.

0

herve-ladsousMuqdisho (AGGM): Wakiilka Qm ee arimaha nabad ilaalinta aduunka Herve ladsous ayaa sheegay in la diyaarinayo qorshayaal lagu dar dargalinayo howlgalada nabadilaalinta ah ee ka socda wadamo Soomaalia ay kamid tahay.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay in golaha amaanka Qm ay kulan ka yeelan doonaan waqtiga AMIsom ee Soomaaliya ay ka howlgalayaan oo ku eg Bisha soosocota ee March isagoona intaas ku daray in hal sano loogu daro Amisom.

“Waxaan dajineynaa istiratiijiyad dib loogu cusbooneysiinayo howlagalada nabad ilaalinta ah ee laga wado qaar kamid ah dalalka ay colaadaha ka jiraan sida Soomaaliya waxaan kordhin doonaa lacagaha ku baxa howlgalka AMISOM “sidaas ayuu yiri wakiilka QM ee arimaha nabadilaalinta Herve laadsoos.

Wakiilka QM ee arimaha nabailaalinta ayaa tilmaamay in 12 bil gudahood ay Soomaaliya usoo guuri doonaan xafiisyada QM ee Soomaaliya ku shaqada leh oo haatan dagan Magaalada Nairobi waxaana xafiisyada soo guuraya kamid ah UNSOA oo dhanka loojistikada ka taageeri doona howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn Herve laadsoos ayaa sheegay inuu ku amaanayo howlgalada nabadilaalinta ee ka soconaya wadamo badan oo caalamkla katirsan sida ay uga miro dhaliyeen hadafka nadab ilaalinta oo ah in amniga la ilaaliyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com