Guddiga Xiriirka Iyo Dib U Heshiisinta Gobolada Jubbooyinka Oo Soo Dhaweeyay Baaqii Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

0

baaq_GXDGJKaddiib markii uu maalintii shalay Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu si cad uga soo horjeestay shir la sheegay in February 23 lagu qaban doono magaalada Kismaayo, kaasoo lagu dhisayo maamul goboleed ay majaraha u hayso dowladda Kenya oo aanay u dhameyn bulshada ku dhaqan Jubbooyinka, ayaa waxaa kulan qad Teleefan oo ay xalay isugu yimaadeen Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka (GXDGJ) waxay isku af garteen in ay taageeraan baaqa kasoo yeeray Guddoomiye Kaliil.

Guddiga oo muddo dheer si weyn ugu howlanaa sidii la’isugu soo dhaweyn lahaa mas’uuliyiinta kala aragtida duwan ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan kuwa gobolka Gedo, ayaa waxay kaloo isku afgarteen in wadada kaliya ee loo mari karo maamul u sameynta Jubbooyinka ay tahay wada hadal ku dhisan is-xurmeyn iyo in danta guud meel looga soo wada jeesto, wixii wada jirka iyo amniga wax u dhimi karana meel la’iska dhigo.

“Waxaan ka warqabnaa oo aan xogogaal u nahay in dhamaan bulshada ku dhaqan Jubbooyinka ay intooda badan rabaan in ay helaan maamul goboleed ay ku mideysan yihiin, balse sida ay mas’uuliyiin iyo wax garad kasoo jeeda jubbooyinka qabaan anagana aan ku raacsanahay, in maamul la dhiso waxaa ka horeysa in siyaasiyiinta kala aragtida duwan meel la’isugu keeno, waana taa sababta aan u taageernay kulanka wada tashi ee uu guddoomiyaha gobolka Gedo ku baaqay in February 25 la’isugu yimaado magaala madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey,” sidaas waxaa yiri Gurey Xaaji Faarax oo ah afhayeenka Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka.

______________

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/02/kaliil_wareysi_bbc.mp3-audio-mpeg-Objekt.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Wixii su’aal ah, kala xariir baaqaan:

Gurey Xaaji Faarax oo ah Afhayeenka Guddiga xiriirka iyo dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka, Email: gurey44@gmail.om, Tel. 907-359-5554.

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Ayaa Ah Qoraalka Saxda Ah, Qoraal Walba Oo Ka Soo Baxa Gudiga Waa In Uu Ku Saxiixanaado Magaca Afhayeenka Gurey Xaaji Faarax oo ah Afhayeenka Guddiga xiriirka iyo dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka, Email: gurey44@gmail.om, Tel. 907-359-5554, Fadlan Ka Raali Noqda Qoraalki Hore.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com