Dacwadii Wariye C/siis Koronto Iyo Haweeneydii Oo Mar Kale Dib Loo Dhageysanayo.

0

korontoMuqdisho (AGGM): Waxaa la filayaa in maanta mar kale maxkamada gobollka Banaadir ay dib u dhigeysato kiiska wariye C/siis Cabd Nuur Ibraahim Koronto iyo haweeney ka cabaneysa in la kufsaday kadib markii qareenka dhibanayaasha uu sheegay in ay racfaan ka qaateen xukun ay horay u riday maxkamada.

Qareenka Wariye iyo haweeneyda difaaca  ayaa sheegay in maanta ay hor geyn doonaan maxkamada cadeymo iyo marqaatiyaal markii hore la diiday in la dhageysto, isaga oo intaa ku darray in uu rajo badan ka qabo marka ay soo bandhigaan cadeymaha ay hayaan labada dhibane Wariyaha iyo haweeneyda la sii deyn doono.

‘’Racfaan ayaan ka qaadanay xukunkii xariga ahaa oo ay horay u riday maxkamada, waayo cadaalad kuma dhisneyn, cadeymihii loo baahnaa iyo marqaatiyaashii la doonayay in ay maxkamadu dhageysto oo idil markii hore waa la diiday, laakiin waxaan rajeyneynaa in maanta la dhageysto,’’ ayuu yiri qareenka.

Waxaa uu sidoo kale cadeeyay in xitaa marka la eego sharciga loo maray xukunkii hore uu ahaa mid qaldan, taasoo mugdi galin karta ayuu yiri sida loogu kalsoonaan karo garsoorka dowladda.

Mar wax laga weydiiyo in haddii ay maxkamad ku adkeysto sharci ahaanshaha xukunkii hore ee min halka sano lagu xukumay wariyaha iyo haweeneyda waxaa uu sheegay in ay taasoo uga hor sheegi doonaan maxkamada in ay dacwadooda la tagayaan maxkamada sare.

Wariye C/siis ayaa lagu heystaan in uu wareysi aan jirin ka qaaday sida lagu eedeeyay haweeney sheegatay in la kufsaday, halka haweeneyda la eedeynayo wali ku adkeysaneyso in ay kufsadeen ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com