Ciidamada Badda Holland Oo Gacanta Ku Dhigay Sagaal Burcad-badeeda Soomali Ah.

0

burcad badeedMuqdisho (AGGM): Warar soo baxaya ayaa sheegaya in markab laga leeyahay dalka Holland oo qeyb ka ah ciidamada la dagaallanka burcad badeeda Soomaalida ay xireen sagaal burcad badeeda.

Sagaalka qof waxaa qabtay markabka dagaalka ee De Ruter, kuwaas oo lagu qabtay meel 200m, waqooyi bari ka xigta xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Wararku waxaa ay sheegayaan in markab ganacdi oo calanka Panama uu ka lushay ayaa ka shakiyay doonta ay saarnaayeen burcad badeedda la xiray, wuxuuna ku wargeliyay markabka dagaalka Holland.

Saraakiisha Holland ee qeybta ah ka howlgalka Atlanta ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kooxda la qabtay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com