Wafdigi Jubbaland Ee Ku Sugnaa Gobolka Gedo Oo Booqday Degmooyinka Doolow, Luuq Iyo Balad Xaawo Kuna Sii Jeeda Garbahaarey.

0

top newsBalad-Xaawo (AGGM): Gobolka Gedo ee dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan soo gaaray  Wafdi ka socda  Gudiyada Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo .

Wafdigaan ayaa inta uu ku sugnaa Gobolka Waxaa uu booqday  Dagmooyinka  Luuq, Doolow iyo Balad Xaawo halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay Gudomiyeyaasha Dagmooyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Dagmooyinkaas.

Wafdigaan ayaa waxaa uu qaybaha kala duwan ee Bulshada 3daas Dagmo kala hadlay Arrimaha Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo  waxaana Dhismaha Maamulkaan soo dhaweeyay   Maamulada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dagmooyinkaas.

Waxaa sido kale  Wafdigaan ay bilaaben  Uruurinta Ergadi Gobolka Gedo uga qayb gali lahayd  Shirweynaha Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana ilaa iyo hada la diyaariyay 100/70 Ergadi ka qayb gali lahayd Shirweeynaha Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo.

Wafdigaan ayaa waxaa uu maalmaha nagu soo aadan  ku wajahan yahay Magaalada Garbahareey halkaas oo ay ku sugan yihiin Mas’uliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo waxaana lagu wadaa  in halkaasi u ka dhaco kulan muhiim ah.

Dhanka kale  Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa la soo sheegay in Maamulka Dagmadaasi u diyaariyay  Ergoyinki  Dagmadaasi u matali lahayd Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaa  kaliyah ee ay sugayaana ay tahay  gadiidki qaadi lahaa Dagmoyinka kale ee diyaarshay Ergadi Shirka u matali lahayd  ayaa waxaa ka mid ah  Dagmoyinka  Balad Xaawo,Luuq iyo Doloow waxaa kale oo jirta  Ergoyin si duumasha ah uga yimid  Dagmoyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo wali  ku jira gacanta Kooxda Al-Shabaab.

Isku soo wada duub oo Shacabka Gobolka Gedo  ayaa waxaa ka war dhowrayaan kulanka muhiimka ah ee Magaalada Garbaharey ku dhexmari doona  Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo  ee ku kala aragtida duwan  Maamul usameeynta  Jubboyinka iyo Gedo inkasta oo shacabka Gobolka ay ka niyad jabeen  hadal uu  xalay BBC da siyay  Maxamed Cabdi Kaliil kaas oo si isku mid ah ay uga  careysiiyay  Gudiyada Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo ee ku sugan Gobolka  iyo Shacabka Gobolka ee u hanweeynaa Dhismaha Jubbaland.

Posted By Abdulkadir Jamac Halane

 

Baardheere Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com