Qaramada Midoobay Oo Cambareeysay Weerarada Ugu Danbeeyay Ee Argagixisada Soomaaliya.

0

Mahiga, United Nations Special Representative for Somalia addresses a news conference at the United Nations offices at Gigiri in Kenya's capital NairobiMuqdisho (AGGM: Wakiilka xafiiska siyaasada Soomaaliya UNPOS Augutine Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyay weerarada dhinaca argagixisada ee labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan dilkii Jimcihii aynu soo dhaafnay loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacamey.

War uu soo saaray Augutine Mahiga ayuu ku cambaareeyay dilka sheekha, qaraxii ismiidaaminta ahaa ee gaariga loo adeegsaday ee lagu bar-tilmaameedsaday taliye ku xigeenka booliiska Puntland Jen. Muxiyaddiin Axmed Muuse oo xilligaas ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, qaraxii gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho iyo dilkii loo geystay madaxa sirdoonka degmada Shibis.

Waxaa uu sheegay in marka dhamaan arrimahaas oo dhan leysku soo duubo muujinayaan sida kooxaha argagixisada aysan qiimaha badan ula laheyn nolasha dadka bani’aadamka ah, gaar ahaan dadka rayidka ah oo ay si toos ah u beegsanayaan.

Mahiga wuxuu tacsi u diray qoysaska dadkii lagu dilay falalkaas oo sida uu sheegay ay geysteen kooxda Al-shabaab oo ah ayuu yiri kooxo ku xiran argagixisada caalmiga ah ee Al-Qaacida.

Waxaa uu Mahiga ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay gacan buuxda ku siiyaan mas’uuliyiinta dowladda iyo ciidamada sidii meesha looga saari lahaa kooxaha sida uu hadalka u dhigay caqabada ku ah nabada.

Warka qoraalka ah ayuu Mahiga ku sheegay in xafiiska UNPOS uu ka go’an yahay sidii uu dowladda Soomaaliya uga taageeri lahaa adkaynta ammaanka oo ah mudnaanta koowaad ee xukuumadda,” isagoo intaas raaciyay in aysanoggolaan doonin in falalkan fulaynimada ah ay carqaladeeyaan horumarka taariikhiga ah ee la sameeyay tobankii bilood ee la soo dhaafay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com