Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Xildhibaan Keith Ellison Oo Muqdisho Ku Kulmay. *Daawo Sawirada*

0

so3Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Keith Ellison oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga dimoqraaddiga, ahna xildhibaankii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ku biira Kongareeska Maraykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mr. Keith Ellison ayaa yeeshay kulan qaatay muddo 45 daqiiqo ah oo ay uga wada hadleen xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka iyo horumarka ay sameyneyso Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dowladda Maraykanka taageerada ay siiso dowladdiisa iyo sida ay dalkeeda ugu soo dhoweysay boqollaal kun oo qaxooti Soomaali ah.

“Gobolka Minnesota waxaa ku nool Soomaalida ugu badan marka laga reebo qaaradda Afrika. Sidaas darteed waxaa farxad noo ah in xildhibaan Keith Ellison uu ogaado xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii hore booqasho ku tagay dalka Maraykanka, waxaana mas’uuliyiintii halkaas ku soo dhoweeyay ka mid ahaa xildhibaan Keith Ellison oo madaxweynaha ku casuumay gobolka Minnesota.

so4

so1

so7

so5

so2

so8

so3

so6

so
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com