Faah faahin Dheeri Ah Oo Kasoo Baxaysa Dad Xalay Lagu Xasuuqay Magaalada Gaalkacyo.

0

gaalkacyoGaalkacyo (AGGM): Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii 3 ruux oo rayid ah ku dilay xaafada Garsoor ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee maamul goboleedka Puntland xili ay ku sugnaayeen goob maqaayad ah oo ku taala xafadaasi Garsoor.

Dad goob joogayaal ah ayaa  u xaqiijiyeen shabakada Allgalgaduud Media in dilka dadkaani rayidka ah ay fuliyeen maleeshiyo hubaysan oo watay  baabuur nooca raaxada ah ka dib markii falkaan dilka ah geysteena goobta ka baxsaday.

Ciidamda ammaanka ee maamulka Puntland ayaa soo gaaray markii uu dhacay  dilku ka dib isla markaana baaritaano xoogle halkaasi ka sameeyay ,inkasta oo aysan u suura galin inay soo qabtaan dadkii falkaani gaystay .

Dilalka noocan oo kale ah ayaa ku soo noq noqday magaalada Gaalkacyo iyadoona maalintii shalay ahayd markii ay maleeshiyo hubaysan ay  dil noocaani oo kale ah ka geeysteen deegaanka Bali-Busle ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo oo aan la xariirnay bal inay  faaf faahin  ka bixiyaan dilkaani ayaa gabi ahaanba waxa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Isku soo wada duub oo Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo saakay la hadlayay warbaahinta  ayaa canbaarayn dusha uga tuuray cidkasta oo ka danbaysa falkaani dilka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com