Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Ay Dib U Habeyn Ku Sameeyn Doonaan ciidamada Badda Soomaaliya.

0

fiqi1Muqdisho (AGGM): Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga ee xukuumadad Soomaaliya ayaa sheegay in soo afjarida kooxaha burcadabdeeda Soomalida ah ay saldhig u tahay in dib u habeyn balaaran lagu sameeyo ciidamada Badda Soomaliya xilli ay shalay ku beegneyd sanadguuradii 51 aad ee ciidamada Badda Soomaaliyeed.

Wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiin Mxamuud Xaaji Fiqi oo shalay ka qeybgalay munaasabadda xuska sanadguuradii 51 aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay ciidamada badda Soomaaliyeed ayaa sheegay in dib u dhiska ciidamada Badda ay muhiimad gaar ah u leedahay amaanka xeebaha dalkeena.

Sidoo kale wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada Baddu ay la wareegidoonaan ammaanka badaha dalkeena, isagoo dhinaca kalena tilmaamay in ay meesha ka saaridoonaan falalka Burcad badeednimada ah.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in wasaaradu ku dadaaleyso tayeeynta ciidamada badda Soomaaliyeed , isagoo rajeeyay in sanadkan sanadkiisa xiga ay ciidamadu gaaridoonaan heer la isku haleynkaro oo ay hantaan ammaanka xeebaha dalkeena.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com