Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Soomaaliya Iyo Safiirka Ingiriiska Oo Magaalada Muqdisho Ku Shiray.

0

SAQMuqdisho (AGGM): Dowladda Ingiriiska ayaa mashaariic horumarineed ka fulinaysa Degmooyinka iyo Gobollada laga saaray Al Shabaab.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Matt Baugh oo maanta Muqdisho booqasho ku yimid ayaa la kulmay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya uu kamid yahay wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen iyadoo kulanka labada masuul uu ka dhacay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden cadde.

Kulanka markii uu soo idlaaday kadib waxa saxaafadda si wadajira ah ula hadlay Wasiirka iyo Danjiraha.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay inay ka wada hadleen isaga iyo safiirka UK sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal islamarkaana ay Dowladda Ingiriiska waddo mashaariic ay dooneyso inay ku horumariso Gobolada iyo degmooyinka laga saaray gacanta kooxda al-Shabaab isagoo tusaale usoo qaatay inay Dowladda UK gacan ka geysan doonto dib u dhiska Buundada Balcad iyo goobo kale oo muhiim ah.

Danjire Matt oo isna hadal siiyay warfidiyeennada ayaa xusay in Dowladda Ingiriisku ka go’antahay sidii ay u sii kordhin laheyd Dowladda Federaalka Soomaaliya, danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in mashaariicda ay ku bixinayaan Soomaaliya ay soo marsiinayaan dowladda rasmiga ah ee ka jirta waddanka islamarkaana ay ugu talagaleen in Bulshada ay si wanaagsan uga faaiideystaan.

Matt Baugh ayaa soo dhaweeyey mashruuca ay malgelinayso United Kingdom, kaas oo ah jidka magaalada Balcad iyo buundo dib u habayn lagu samaynayo oo ku taala Balcad, Barnaamijkan ayuu ku sheegay in ay tahay mid dib loogu habaynayo dhulka laga saarey al-Shabaab.

“Barnaamijka dib u habaynta waxaan kala shaqeynaa dolwadda Soomaaliya, si loo ballaryo adeega bulshada, heer wanaagsana looga gaarsiiyo deganaanshaha gobolada Koonfureed” ayuu yiri Mr Baugh safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa horumarka dowladdu ku talaabsatey tan iyo isbedelkii, goobaha laga xoreeyey al-Shabaab, waxaan jecelnahay kuna cel-celinaynaa sida ay nooga go’antahay taageerada dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed, dedaalka ay ugu jiraan dhismaha Soomaaliya oo nabad ah oo quruxsan” Matt Baugh.

Dalka Britian ayaa horey ugu deeqay £3 milyan oo lacagta Pound ka ah, taas oo gacanta loo geliyey dowladda Soomaaliya waxaana ay sheegtay in ku darayaan lacag dheeraad ah waqtiyada soo socda.

Mashruuca Balcad ka socda ee waddada dib loogu habaynaayo waxaa bilowdey NGO layiraahdo Nordic International Support Foundation (NIS) kaas oo ka diiwaan gashan dalalka waqooyiga Yurub, waxaana ay gacansiiyaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulada hoose. Mashruuca ayaa ah in waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad laga dayactiro qiyaastii 2km, iyo dib u dhis lagu samaynayo buundada Balcad oo horey u burburtey, arrintan oo qayb ka noqon karta isu sosocdka gaadiidka iyo hormarinta dhaqaalaha.

SAQ

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com