War-saxaafadeed: Cambaareyn Ku Socota Maamulka Faroole Ee Puntland.

0

Maakhir_mapIyadoo ay wali xiisado aan wax horumar ah laga gaarin ka aloosan yihiin deegaanada Galgala, Ceelaayo iyo tuulooyinka ku xeeran ee Gobalada Bari ee Somalia, ayaa waxaa si isdaba joog ah usoo dhacaya baaqyada cambaareynta ah ee loo jeedinayo Maamulka Faroole ee Puntland.

Hadaba Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ku dhaqan gaar ahaan shacabka ku abtirsada deegaanada maamulka Maakhir State uu ka arimiyo, ayaa si aan caadi aheyn uga hadlay dagaalada maalmihii ugu dambeeyey ka aloosnaa deegaanada Galgala iyo Ceelaayo, halkaasi oo xaalad bani’aadanimo oo aad u daran lagasoo sheegayey maalmihii lasoo dhaafay.

Isagoo ka hadlayey kulan cambaareyn ah oo ka dhacay Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa Maxamed Deeq Sheekh C/laahi oo ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee Maamulka Maakhir State, waxa uu wax si aad ah looga danqado ku sifeeyey in shacab masaakiin ah oo reer miyi iska ah ay Faroole iyo Maamulkiisa gardaro aan geedna loogusoo gaban ku weeraraan, iyagoo ku andacoonaya inay argagixiso la dirirayaan, taasina ay tahay mid aan haba yaraatee looga hari doonin Maamulka Puntland, haddii aysan joojin gumaadka shacabka biri-magaydada ah, sida uu yiri Max’ed Deeq.
Gudoomiyaha guud ee Jaaliyadda Maakhir State, Koonfur Africa, Maxamed Cali Samatar, ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda dhibaatada ka dhalan karta in shacab degan la barakiciyo oo la xasuuqo, waxa uu ka digay in taasi ay kicin karto kacdoon dadweyne, haddii aan wax laga qabanin, islamarkaana la hakinin dibindaabyada uu Faroole la maagan yahay shacabka iyo deegaanada reer Maakhir.
Gabagabadiina bayaan ay Jaaliyadda reer Maakhir ee Koonfur Africa, shaaciyeen oo gabi ahaanba beeninaya in deegaanada Maakhir ay ku dhuumanayaan wax argagixiso ah, ayaa ku baaqaya in shir deg deg ah laga wada yeesho dhibaatooyinka ka dhanka ah xaquuqul-aadanaha ee ka soconaya deegaanada ay Ceelaayo ugu horeyso, iyagana ay halkan Cape Town ku yeelan doonaan shir deg deg ah oo mira dhalkiisa si deg deg ah loo arki doono.
Baaqan ayaa waxaa ku saxiixnaa 
Max’ed Deeq Sh. C/laahi
Mobile : +27731076639

E-mail : mcaxmed607@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com