Shir Ay Qeyb Ka Ahaayeen Saraakiil Ka Socda Dowladda Itoobiya Oo Ka Dhacay Gobollka Gedo.

0

Garbahaarey1Garbahaarey (AGGM): Wararka ka imanaya gobollka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in shir looga hadllayay amniga iyo arrimaha siyaada ee la xiriira maamul u sameynta  oo ay ka qeyb-galeen saraakiil Itoobiyaan ah uu ka dhacay magaalada Garbahaarey ee gobollkaas.

Afhayeen u hadllay shirka ayaa sheegay in looga wada hadllayo islamarkaana looga soo horjeedo shirka la filayo in 23 bishan uu ka furmo magaalada Kismaayo kaasoo la doonayo in lagu dhiso maamul gobol ay yeelanayaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxaa uu sheegay afhayeenka u hadllay shirka in wax laga xumaado tahay in shaqsiyaad gaar ah sheegtaan sida uu hadalka u dhigay in ay maamul u sameynayaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, islamarkaana siweyn uga soo horjeedaan arintaa iyada ah.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay shirkaasi uu qeyb ka yahay wadatashi la xiriira sidii ay ciidamada dowladda iyo xoogagga gacanta siinaya gacanta ugu dhigi lahaayeen qeybaha ka harsan gobollka Gedo ee wali ku sii jira gacanta kooxda Al-shabaab.

Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli 23 ka bishaan aynu ku guda jirno la filayo in uu shir ka furmo magaalada Kismaayo kaasi oo la sheegayo in maamul loogu sameynayo gobollada jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com