AMISOM Oo Qalabka 10 Saldhigyada Booliska Ah Ugu Deeqday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

0

AU-logoMuqdisho (AGGM): Waaxda booliska ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Sabtidii waxay qalab xafiis ugu deeqday xoogga booliska Soomaaliya xaflad lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Taliyaha booliska AMISOM Dr. Charles Makono ayaa qalabka ku wareejiyay dhiggiisa Soomaaliya, Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Xasan Ibraahim Maxamed, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta ka soo baxay AMISOM.

AMISOM waxay sheegtay in qalabka ay ku deeqday uu dabooli karo baahida 10 saldhig boolis.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, deeqda waxaa maalgeliyay wakaaladda Jarmalka u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ee  Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit iyo dowladda Talyaaniga.

“AMISOM waxaa ka go’an taageeridda xoogga booliska Soomaaliyeed maadaama ay ka shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka shacabka iyo dhaqan-gelinta sharciga iyo kala dambaynta”, ayuu yiri taliyaha booliska AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com