Fadeexad: Madaxweynaha Kenya Oo Sarwaalki Uu Qabay Ka Siibtay Isagoo Si Toos Ah (LIVE) Looga Daawanayo TV-yada.*Daawo*

0

kibakiMadaxweynaha dalka Kenya ayaa waxa soo wajahday fadeexad weyn ka dib markii uu mar qura surwaalkii uu qbay uu ka dhacay xili uu hadal jeedinaayey islamarkaana si toos ah (Live) looga daawanayay TV-yada dalkaasi kenya.

Mwai Kibaki ayaa waxaa la sheegay inay qabsatay fadeexadan dadka badankii ka  qosolsiisay ka dib markii uu gebi ahaanba uu surwaalki uu qabay amaba gashanaa uu marqura ka siibtay oo uu ku dhacay dhulka xilli uu hortaagnaa dad uu khudbad  u jeedinaayay.

Madaxweynaha ayaa waxaa si toos ah u duubayey kaamarooyinka Tv-yada dalka Kenya, Laakiin madaxweynaha oo u muuqday mid ku baraarugay waxa qabsaday ayaa waxaa halkaas ku caawiyey oo u soo qabtay sarwaalkii mid ka mid ahaa ilaaladiisa oo gadaashii taagnaa.

Kibaki oo ah nin aad iyo aad waayeel u ah ayaa inta badan dadka reer Kenya waxa ay caro weyn ka muujiyeen soo bandhigada fadeexadaas qabsatey madaxweynahooda ayagoona ku tilmaamay inuu madaxweynuhu yahay qof weyn oo bini’aadana ah islamarkaana aysan ahayn wax lagu qoslo waxa qabsaday madaxweynaha iyagoona sidoo kale ku tilmaamay inay tahay anshax xumo soo bandhigida shilalalka noocaas oo kale ah ee qabsada dadka mas’uuliyiinta ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com