Xaflad Soo Dhaweyne Ah Oo Loo Sameeyey Xildhibaan Abdirashiid Xaaji Deeroow Iyo Xildhibaan Abdullahi Yuusuf Hassan (Alenkey).*Daawo Sawirada*

0

IMG_0864Birmingham (AGGM): Xafladdan lagu soo dhaweynayay Labada xildhibaan ayaa lagu qabtay Hotel ku yaala Magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska.

Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen dad aad u faro badan oo isaga kala yimid gobollada dalka Ingiriiska. ayaa waxaa soo agaasimey jaaliyada wadanka ingiriiska gaar ahaana reer Birmingham.

Waxaa soo dhaweyntaa  ka hadlay qaar ka mid ah kasooqeybgalayaashii oo ay kamid ahaayeen dad badan oo magac ku leh wadanka Soomaliya, gaar ahaana Jaaliyada kazoo jeeda Jubooyinka iyo Galgaduud, waxaa shirka furay Ugaas Abdullahi muuse Tarey, kadibna waxaa wacyi dadka usoo jeediyey sheikh Mahamed Adam oo halkaas kasoo jeediyey  wacdi qiima leh, kadibna waxaa warar kooban soo jeediyey qaarka mid ah jaaliyada Wadankan Ingriiska waxaana ka mid ahaa dadkii qudbadaha halkaas kazoo jeediyey Hasan Cade, maxamuud hirsi, ugaas mahamed Daahir (dhuudhi), iyo ragbadan oo akhyaarta wadanka ingriiska kamid ah.

Intaa  kadib waxaa Mic lagu soo dhaweeyey Xildhibaanada oo xaqiiqatan qodbooyin aad dadku ula yaabeen dhagaha dadkana soo jiitey halkaas ka soo jeediyey iyada oo sida xaqiiqda ah ay dadkii aad usoo dhaweeyeen xildhibaanadan qodbooyinkii ay halkaas ka soo jeediyeen ayey si aada uga Hadley  xaalada kajirta dalka Soomalia gaar ahaana Gobalada ay ka soo jeedeen oo ahaa Gobalada Jubooyinka.

Xildhibaanada ayaa balan qaadey in si aan horey loo arag ay uga shaqeyn doonaan Gobaladaa laga soo doortey ayna ku mideysan yihiin dhamaanba xildhibaanada ku jira baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobaladaas, ayaga oo dhinaca kalana ka codsadey jaaliyada weyn ee gobaladaas iyo Galgaduudba ka soo jeeda ee caalamka meel walba ka jooga  ay qeyb weyn ka qaataan dib udhiska wadanka gaar ahaana gobalada jubooyinka iyo Galgaduud oo ay kasoo jeedeen xildhibaanda, waxeyna ugu dardaarmeen jaaliyada in ay gacmaha is qabsadaan oo awoodooda meel isugu keeyaan, markaasna ay meel uga soo wada jeestaan dib udhiska dalka kana waantoomaan is qabqabsiga iyo isku xirla aanta dhexdooda ah.

IMG_0864

IMG_0860

IMG_0852

IMG_0847

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com