Maqaal Xiiso Badan: Xertii Xamar Ka Saartay Falaagada Al Shabaab Oo Intooda Badan Hubkii Iska Dhigay Kuna Laabtay Digrigii Lagu Yaqaanay.

0

AhluSUNA12Maqaal Xiiso Badan: Hadal heeynta ugu badan guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan dambe waxa ay noqotay Wadaadada loo yaqaan Suufiyiinta ama Qaadiriyada oo intooda badan Hubkii iska dhigay waliba si toos ah ugu laabtay Digrigii iyo Moowlacyadii lagu yaqaanay.

Xertaan oo Dagaal toos ah la gashay Xarakada al Shabaab oo Qabuuro caan ah ka dudumisay xiligii ay maamuli jireen inta badan magaalada Muqdisho ayaa iminka waxaa aad u yar wadaadada Jameecadaan dagaalada ay ka qeeyb qaataan waxeeyna intooda badan iskaga laabteen Ganacsigoodii hore iyo Masaajidadii looga bartay inay ku digriyaan xiliyada habeenka ah.

Wadaadada loo yaqaan Suufiyiinta ama Qaadiriyada ayaa dagaalkii Al Shabaab looga saaray meelo fara badan waxa ay magac ahaan kaga qeeyb qaateen iyaga oo xambaarsan ama ku midoobay magaca Ahlu Suna waljameeca waxeeyna Dagaalo kulul kaga yaabsadeen Maleeshiyaadka Al Shabaab oo ugu dambeeyntii faaruqiyay gobolo muhiim ah.

Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa xiliyadaan dambe waxa ay aad uga sii baxayeen dhanka ciidamada Dawlada waxaana taas macnaheeda lagu sheegay iyaga oo ka waayay deegaanada ay ku nool yihiin Maleeshiyaadkii Al Shabaab ee markii hore ku qasbay inay hubka qaataan Suufiyiinta ama Qaadiriyada dalka Somalia.

Xoogaga Culumada Ahlu Sunna Waljameeca kuwooda ku sugan gobolada dhexe ayaa wali waxa ay xambaarsan yihiin hubkooda kuwaas oo dagaal kula jira Maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab oo wali ku harsan magaalooyin fara ku tiris ah oo ku yaala gobolada dhexe ee dalka Somalia.

” Dadka dariska ah ayaa waxa ay igu xaman jireen Wadaadka maxaa waalay oo Qoriga u saaray anigana waxaan ugu jawaabi jiray niman Qawaarij ah oo Qabriyadii Awoowayaal fagtay ayaa na waalay oo nagu qasbay inaan Qoriga qaadano balse hada Qoriga waan dhigay oo xareeystay mana qaato wixii igu qasbayna waa loo jeedaa ayuu yiri Mursal Macalin Xuseen Qaasim oo ka mid ah Wadaadadii culumada Ahlusunna Waljamaaca ee  falaagada Al Shabaab ka saaray degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir ”

Shuceeyb Sheekh Yuusuf (Shaani Yare)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com