Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool.

0

xudur1Xudur (AGGM): Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa bilooyinkan iyadoona lasoo sheegayo in khasaaro uu ka dhashay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii maleeshiyada falaagada Al Shabaab  ay weerar madaafiic ah ku qaadeen magaalada Xudur oo ay kusugan yihiin ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah.

Dagaalkan oo dhacay labo mar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac sida ay goob joogayaal kusugan magaalada xaqiijinayaan.

Taliyaha ciidamada booliska dowlada ee Magaalada Xudur Cali Salaad ayaa sheegay in dagaalkan iyaga lagu soo qaaday ayna guullo ka gaareen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay in falaagada Al Shabaab ay ka saaraan guud ahaan gobollada Bay iyo Bakool oo haatan qeybo kamid ah ku xoogan yihiin.

Dhanka kale Majiro wax hadalka ah oo dagaalkan ku aadan oo ka soo baxay falaagada Al Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com