Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Oo Cunaqabataynta Hubka Laga Qaadayo.

0

golaha-amaankaNew York (AGGM): Qoraal uu hor dhigay golaha amaanka xoghaya guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Ban Ki-moon ayuu kaga codsaday in tixgalin lagu sameeyo codsiga dawladda Soomaaliya ay ku doonayso in xayiraadda xagga hubka saaran laga qaado.

Ban Ki-moon wuxuu ku dooday inay lama huraan u tahay jiritaanka iyo xaqiijinta xasilinta dalka cunaqabataynta saaran Hubka oo la qaado.

Waxaa kale oo ayana codsiga ku jira in qorshaha ciidamada AMISON  loo badalo qorshe ka raandhiis wanaagsan oo ay fuliso UN ama ay wada fuliyaan UN iyo AMISON. Xoghayuhu wuxuu faahfaahin iyo taxliil ka bixiyay fa’iidada ay u leedahay xasilinta Soomaaliya iyo xaqiijinta nabad waarta oo ka dhalata muhiimadda ay u leedahay in ciidamo sita magaca UN ay ka hawlgalaan Soomaaliya, ayaga oo kaliya ama ayagoo kaashanaaya ciidamada Afrikaanka ee AMISON.

Lama oga goáanka aay qaadan doonaan golaha amaanka, waxaase arinkan aad u doonaya dowladda Somaliya oo dooneysa in si buuxda cunaqabateynta hubka looga qaado, qaar ka mida xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan qoraalka xoghayaha qaramada midoobay uu u gudbiyey golaha amaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com