Hogaamiyihii hore ee Al Shabaab Rooboow oo kulamo la qaadanaya Madaxda Jubaland +SAWIRO

0

Hogaamiyihii hore ee Ururka Al Shabaab, Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Hogaamiye Rooboow ayaa Xalay kulamo kala duwan oo warbaahintu dibad joog ka aheyd waxuu la qaatay Madaxda Maamulka Jubaland.

Weli lama shaacin ujeedka Sheekh Mukhtaar Rooboow uu u tagay Magaalada Kismaayo.

Wasaarada Warfaafinta Maamulka Jubaland ayaa lagu wadaa in warbaahinta uga warbixiyaan socdaalka Hogaamiye Rooboow.