Guulaha Taariikhiga Ah Ee Laga Bartay R/wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon?

0

02Akhristoow sida aan la wada socono waxaa todobaadyadi tagay khilaaf ba’an u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, khilaafka madaxda ayaa waxa uu u gudbay Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihi la soo dhaafayna ka doodayay siday ka yeeli lahaayeen Khilaafka u dhexeeya Madaxda dalka ugu sareeysa, waxa sidoo kale indhaha dadka iyo beesha Caalamkuba ku sii jeedeen qaabka uu u xalin doono Baarlamaanka Soomaaliya.

Kala fadhiyo badan ka dib ayaa waxaa maanta Golaha Shacabka looga qaaday cod Xildhibaanada ay ku siinayaa amaba kagala noqonayaa Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, sideey doontaba codeeyntaasi ha u dhacdo amaba Xildhibaanada ha ulla kala safteen Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo hadda raad arooryaad dib u raaci mayno, balse waxaa xaqiiqo ah in Khilaafka Madaxda laga bartay qodobadan soo socda.

1- In aan Madaxweynaha Soomaaliya marki khilaaf soo kala dhexgalo isaga iyo R/wasaaraha in uu dib dambe si hoose u oran Mudane R/wasaare Iscasil, balse leeysla aado Baarlamaanka sharcigana lagu xaliyo Khilaafkooda.

2- In aan khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya dib dambe aan lala aadin dowladdo iyo dalal shisheeye si loo xaliyo, balse lala aado khilaafkooda Baarlamaanka Soomaaliya siday doonaanba ha u xaliyaan’e.

3- In Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya la kala bartay kuwooda laaluushka dur dursada islamarkaana sharci darada ku shaqeeya iyo kuwooda ku shaqeeya sharciga islamarkaana u adeega dalka iyo dadka Xalaal ah oo aan qaadan laaluush unna adeega dalka iyo dadka, al yacni Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay u kala baxeen kuwo laaluushka dur dursada iyo kuwa sharciga dhoowra.

4- In aan Madaxda Dowladda Soomaaliya marki ay Isqabtaan Idaacadaha ay isu marin ereyo xanaf leh oo wax u dhimi kara hoowlaha shaqo ee Dowladda amaba in la abuuro xiisado qalqal galin kara amaanka dalka.

Xaqiiqdi waxaa golaha shacabka ka dhacay wax lagu farxo iyo wax laga naxaba hadaanse idiin soo hormariyo waxa lagu farxo, ayaa waxaa ka mid ahaa in khilaafka madaxda dalka aan loola cararin dalal shisheeye si loo xaliyo khilaafkooda, balse lagu xaliyay dalka gudihiisa sidoo kale ayaa waxa ka dhacay gudaha golaha Shacabka in Xildhibaano Soomaaliyeed oo Xalaal ah una adeegaya dalka iyo dadka islamarkaana dhoowraya sharciga laga dhex helay diidayna inay laaluush qaateyaal noqdaan, halka Xildhibaanada badankood ay gudaha golaha shacabka ku kala qaadanayeen laaluush lacageed ama isku siinayeen laaluush si loo rido Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Saacid.

Dhinaca kale Xildhibaanada dulmiga ku heshiiyay ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliya ee laaluushkana Qaatay Waxaa xaqiiqo ah inuu R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ka guuleeystay, iyagana ay u dambeeyn doonto shalaay iyo baroor.

Isku soo duuboo waxaan leenahay Mudane R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Guul adeey ku raacday, marba hadaad diiday 3 milyan ee laaluushka ahayd ee ay qaadan jireen R/wasaareyaashi kaa horeeyay aadna ku adkeysatay In Sharciga la kor yeelo ee aan danta shaqsiga la koryeelin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com