AKHRISO:- Madaxweynaha Zambia oo la wareegay xilka Meertada ee Suuqa COMESA

0

Madaxweynaha Zambia ayaa dhigiisa Masar kala wareegay Xilka Meertada ee Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.

Madaxweyne Hakainde Hichilema waxa uu m Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Elsisi kala wareegay hoggaaminta Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha ee dalalka xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA.

Munaasabada Xil-wareejinta ee Qalabka Awoodaha ee Guddoomiyihii hore ee COMESA, ahna Madaxweynaha dalka Masar ayaa la qabtay, muddadii uu socday Shirweynaha 22-aad ee Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha ee Suuqa Guud ee COMESA oo ay Dowladda Zambia iyo Golaha Ururka COMESA wada martigeliyeen