AKHRISO:- Dowladda oo Midowga Afrika uga tacsiyadeeysay Askartii ku geeriyootay weerarkii Buulo-Mareer

0

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa lakulmey wakiilka gaarka ah ee Xasilinta iyo Arrimaha Rayidka Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Kulanka ayaa waxay uga wada hadleen weerarkii dhawaan kadhacey saldhiga Buulo mareer iyo talaabooyinkii la qaadey si loo sugo xaalada amni ee degaankaas.

Waare ayaa u tacsiyeeyey Ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii degaanka Buulo-Mareer una rajeeyay caafimaad deg deg ah askarta katirsan howlgalka ATMIS ee ku dhaawacantay.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay wadashaqeynta kala dhaxeysa, isaga oo sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.