AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Wakiilka cusub ee QM kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ku qaabilay Ergayga cusub ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing iyo Ku Xigeenkeeda cusub Ahna u qeybsanaha iyo Isku-duwaha Howlaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya Md. George Conway

Madaxweynaha iyo Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada oo ay kala hadleen howlaha muhiim ka ah ee hortabinta leh sida daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha goleyaasha deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Gargaarka iyo Sare u qaadida adeegyada horumarinta.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaaladii lala galay Al-Shabaab oo lagu xoreeyay deegaano badan oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, Sidoo kalana ay isu diyaarinayaan Wajiga labaad ee howlgalada si loo dhameystiro xoreynta deegaanada wali gacanta ug jira Al-Shabaab.