AKHRISO:- Xabad-joojin la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Gobolka Mudug

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali oo safar shaqo ku jooga Degmada Towfiiq ayaa kulan kii 3aad oo mira dhala la qaatay Nabadoonada iyo Maamulka Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug.

Nabadoonada iyo Wax-garadka Degmada oo Fulinaya Qodobadii Fadhigii 2aad loogu soo jeediyey ayaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug ku wareejiyey Furkii (Qoryihii) ayagoona ku dhawaaqay in ay qaaten Xabad Joojin rasmiya.

1- Waxay keeneen Furkii (qoryihii) ay Ardaaladu haysteen kuna wareejiyeen Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal.

2- Waxay ku baaqeen Xabad joojin dhab ah isla markaana ayu u muujinayaan walalahooda Xurguftu dhexmartay dabacsanaan, Samafal iyo inay ka xunyihiin waxa dhacay oo aysan marna raali ka ahayn.

3- Nabadoonada iyo Waxgaradka Degmada Towfiiq waxay fidiyeen Gogol Nabadeed iyagoona Gogosha dhigay Dagmada Towfiiq sidoo kale waxay ka codsadeen walaalahood Xurguftu dhexmartay in ay ka aqbalaan Magaalada Towfiiqna Gogoshuna taalo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali oo kulanka soo xiray ayaa sheegay ilaa gogosha iyo wadahadalada Nabadeed ay ku guulaystaan maahane in aysan meel kale usocon, isagoona umahadceliyey dhamaan Nabadoonada iyo waxgaradka sidii ay ufuliyeen qodobadii ay horay ugu soo jeediyeen gogosha iyo xabad joojintana ugu dhawaaqeen, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa tilmaamay Nabada iyo Wadajirka Bulshadu inay wax walba saldhig u tahay Qarnigaan lagu jirana marna aysan udul qaadan karin aqbaleen in dad Soomaaliyeed dirir dhexmarto.