AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay degmada Doolow

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxyo ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray Saldhigga Ciidamada Itoobiya oo kamid ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin Xerada Kabaaso ee degmada Dolow ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa laba qarax oo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay irida xerada iyo dhabarka dambe waxaana jiro khasaaro xoogan oo ka dhashay weerarka .

Goobjoogayaal ay aa Warbaahinta u sheegay in qaraxyada kadib ay Uuro xoogan ay cirka isku shareertay, taas oo siweyn looga dareemaya degmada Doolow iyo degaannada ku dhow dhow.

Xaalada magaalada Dolow ayaa kacsan, waxaana ilo dhanka ammaanka ah ay sheegeen in ay socdaan baaritaano la xiriira khasaaraha ka dhashay qaraxyada, waxaana suxid mudan in Ciidamada Itoobiya ay xirteen waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xerada la weeraray.

Dadka kunool Magaalada Doolow ayaa sheegay in inay dareemeen cabsi xoogan kadib markii ay maqleen qaraxyada, wallow xerada la weeraray ay ku taallo duleedka magaalada, iyada oo isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ee Magaalada dooloow ay yihiin kuwo caadi ah.

Qaraxyadaan Maanta lagu weeraray Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Doolow ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Jubbaland uu Maamul cusub u soo magacaabay Gobolka Gedo, kuwaas oo bannaan jog ah, hayeeshee waxaa Gobolka Gedo gacanta ku haaya Maamulkii ay Magacaawday dowladdii hore ee Farmaajo.