AKHRISO:- Madaxweynaha Jubbaland oo Maamul Cusub u Magacaabay Gobolka Gedo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) ayaa Maamul cusub oo hoostagaya Jubbaland u Magacaabay Maamulka Gobolka Gedo.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa u dhigneyd sidatan:

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay: Dastuurka Jubbaland qodobkiisa 72aad, Fargada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubbaland;

Markuu Garwaaqsaday: Muhiimada ay leedahay in maamul loo sameeyo gobolka Gedo;

Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabduqaadir Lugadheere.

Wuxuu Madaxweynaha Maamulka Jubbaland u magacaabay,

1. Cabdullahi Cabdi Jaamac —Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

2. Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) —G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.

3. Nasteex Cabdi Saalax —G/ Kuxigeenka Maaliyadda.

4. Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada.

5. Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) —G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka

Waxay Magacaabistani dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo Wuuna sixiixay.

Magacabistan uu sameeyay Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadeysa xilli Gobolka Gedo ay gacanta ku hayaan Maamulkii ay horay u Magacaawday dowladdii Farmaajo, isla markaana aan weli xal laga gaarin arrinta Gobolka Gedo.