AKHRISO:- Duuliyihii diyaarad hawada ku jirtay oo miyir daboolmay

0

Duuliyaha diyaarad khaas ah oo ay eryadeen diyaarado dagaal ka hor inta aysan ku dhicin gobolka Virginia ayaa meydkiisa laga helay qolka diyaarada sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Diyaarado dagaal ayaa arkay duuliyaha oo u muuqday mid miyir daboolan ka dib markii ay qabteen diyaaradda, sida ay saraakiisha u sheegeen warbaahinta kala ah Washington Post iyo CNN.

Duuliyihii iyo saddex kale oo rakaab ah ayaa ku dhintay shilkaasi Axadii.

Cessna Citation ayaa ku dul duushay hawada sare ee sida weyn loo ilaaliyo ee Washington DC ka hor inta aysan ku dhicin Virginia.

Diyaaradda oo ka soo duushay gobolka Tennessee ayaa ku sii jeeday Long Island, balse markii ay gaartay New York, waxay dib ugu laabatay dhanka koonfureed oo ay ka timid.

Markii ay gashay caasimadda Maraykanka, diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa isku dayay in ay soo qabtaan ka hor inta aan la maqlin shil xooggan oo aaggaas ka dhacay.

Waxaa la sheegay in duuliyihii diyaarada uu aamusnaa labadii saac ee ugu dambeysay ee uu diyaarada ku jiray, waxaana ugu dambeyn diyaarada ka dhamaaday shidaalkii, waxaana ay ku dhacday dhul kayn badan oo ku dhow magaalada Montebello ee gobolka Virginia.

Ma cadda sababta uu duuliyuhu u jawaabi waayay inkastoo marar badan lagala hadlay isgaarsiinta diyaaradda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in diyaaradda aan la soo ridin, diyaarado dagaalna aysan sababin burburka diyaaradda.

Xigasho BBC SOMALI