AKHRISO:- Ra’iisul Wasaare Xamse oo Guddi Magacaabay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyadda oo ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddigaan oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Gudaha ayaa waxa ay Magacyadooda kala yihiin:

1: Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha Guddoomiye

2: Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta Xubin

3: Maxamed Axmed Sheekh Cali ( doodishe) Wasiirka Amniga Xubin

4: Dr Cilmi Maxamed Nuur Wasiirka Maaliyadda Xubin

5: Maxamed Maxamuud Barre Wasiirka Dhalinyarada Xubin

6: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin

7: Biixi Iimaan Cige Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin

8: Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xubin

9: Yusuf Xuseen jimcaale ( Madaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin.

Xubnaha guddigaan ayaa waxaa ay Shaqadooda noqoneeysaa Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyadda oo ku began 26-ka Bishaan June.