AKHRISO:- Madaxweyne Lafta gareen oo bulshada degmada Waajid kala hadlay dib u furista wadooyinka ay xirteen Alshabaab

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulamo la qaatay Odeyaasha, Dhalinyarada, Haweenka, iyo saraakiisha laamaha aminiga Degmada Waajid oo ka dhagaystay Baahiyaha ay qabaan iyo sida ay ugu Diyaar garooben ka qeybqadashada Dagaalka Alshabab lagaga soo horjeedo.

Sidoo kale , Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo qaybaha kala duwan bulshada degmada Waajid ayaa ka hadalaay sidii loo furi lahaa wadooyinka gobolka Bakool sanado badan u xeran Alshabaab.

Madaxweynaha Koofur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo looga hadlayay wejiga labaad dagaalka ka dhan ah Alshabaab ka waday gobolka Bakool , isaga oo la kulamy maamulka iyo bulshadaa degnmada Xudur .