AKHRISO:- laftaagreen oo Odayaasha Dhaqanka iyo Dhalinyarada G/Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Xudur kulamo kala Duwan kula qaadanayo qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Qaabilay Dhalinyarada Magaalada Xudur oo ka dhagaystay Baahiyaha ay qabaan iyo Doorka ay ka qadanayaan sugida Amniga Magaalada Xudur.

Sidoo kale Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Dhalinyarada uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan Xaqiijinta Amniga Magaalada, waxaana uu xusay in ka Maamul ahaan ay wax ka qabanayaan Baahiyaha Dhalinyarada haysata isagoona faray inay u diyaar garoobaan ka qeyb qadashada Wajiga labaad ee Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Xudur ku qaabilay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bakool, waxaana kulankaas Warbaahinta u faah faahiyay mid kamid ah odayaasha Dhaqanka ee ka qeyb galay.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu sii wado kulamadiisa, waxana uu la kulmi doonaa Saraakiisha Ciidamada ATMIS, isaga oo kala hadli doona dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.