AKHRISO:- laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay waxyaabaha Maanka dooriya & dadkii ka Ganacsanayay

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Amniga kusoo bandhigeen Maandooriye iyo dadkii ka ganacsanayey, kadib howlgal laga fuliyay Degmada Kaaraan.

Goobta lagu soo bandhigay Maandooriyahan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Sare Macalin Mahdi, Maamulka Degmada Kaaraan iyo saraakiil kale.

Duqa Magaalada Muqdisho e Madaale ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ka hortaga waxyaabaha halista ku ah xasiloonida Caasimadda iyo mustaqbalka ummadeena, isaga oo Sidoo kale uga digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha in sharciga lala tiigsan doonno.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo Warbaahinta u faah faahiyay howlgalka ayaa uga digay dadka ka Ganacsiga Maandooriya iyo isticmaalkooda.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa laamaha Amniga Magaalada Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir ay wadeen howlgallo lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo qabtayMaandooriye iyo dad ka Ganacsanayay.