AKHRISO:- Kulankii Golaha Shacabka oo maanta u baaqday Kooram la’aan

0

Kulankii Golaha Shacabka JFS ayaa u baaqday Kooram la’aan, waxaana soo xaadiray 103 Mudane oo ka tirsan Golaha shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

Gudoomiye ku xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abshiroow ayaa sheegay in la yeeri doono magacyada Xildhibaanada soo xaadiray kuwa aan soo xaadirina lagana qaadi doono Tilaabo la xiriirta Xuquuqdooda Isalamarkaana Xildhibaanada aysan ku xuquuq ahayn.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa kulanka baaqday kii ka horeeyay uga dooday Moowshin ku saabsan wax ka bedel lagu sameeynayo Dastuurka KMG ah iyo Muddo kordhinta Hay’adaha Dawlada Federaalka Soomaaliya .