AKHRISO:- Ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed oo soo bandhigay 10 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab

0

Taliska Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kusoo bandhigey 10 xubnood oo ka mid ahaa Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ayaa sheegay in 10-ka Xubnood ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen Jabhadaha weerarada geysta, iyaga oo kasoo howlgalay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose Shabeelada dhexe ,Mudug iyo Hiiraan.

Qaar kamid ah 10-ka Xubnood ee ka tirsan Al-Shabaab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab ay tahay dhibaato ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay sheegeen in ay usoo dulqaadan waayeen howlgallada ballaaran ay dowladda Sooamaliya ka wado guud ahaan Dalka oo meelo badan ay kula wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.