AKHRISO:- Ammar kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusf Xuseen Jimcaale ( Madaale) ayaa soo saaray awaamiir lagu joojinayo Jeexida Laamiyada iyo Marshibiyeedyada Gobolka Banaadir.

Laga bilaabo Maanta Tr-05-06-2023 waxaa la joojiyay in la jeexo Waddooyinka Caasimadda, iyo Marshabiyoodyada, sidoo kale Bulaacado lagama qodi karo Marshabiyoodka, ciddii ku xadgudubta amarkaas talaabo ayaa laga qaadayaa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska duqa Muqdisho.

Ammarkaan ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay cabaso ka timid burbur lagu sameeyay waddooyinka qaar ee muqdisho, taas oo ay ku lug leeyihiin Ganacsato kala duwan