AKHRISO:- Taliye kuxigeenkii Ciidanka Somaliland oo u goostay dhinaca xoogagga SSC

0

Waxaa Maanta Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool lagu soo dhaweeyay taliye kuxigeenkii Ciidanka Somaliland Janeraal Saleemaan Barre Geesood, kaas oo u soo goostay dhinaca Ciidamada xoogagga degaanka ee SSC.

Sarkaalkan iyo Ciidamo uu wato ayaa waxaa Magaalada Laas-Caanood kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan xoogaga SSC, kuwaas oo qeyb ka ah dagaallada ka socda duleedka Magaalada Laas-Caanood

Janeraal Saleebaan Barre Geesood, ku-xigeenkii Taliyaha Malliteriga Somaliland ayaa sheegay dhankiisa inay ku biiri doonaan, isaga iyo Ciidamada uu wato dagaalka looga soo horjeedo Somaliland.

Tan iyo markii uu billaawday dagaalka Laas-Caanood ayaa waxaa Ciidamada Somaliland kasoo goostay oo dhimaca xoogagga SSC u wareegay Saraakiil iyo Ciidamo farabadan oo ka tirsanaa kuwa Somaliland.