AKHRISO:- Ruushka oo sheegay in Soomaaliya ay ka caawinayaan la dagaalanka Al-Shabaab

0

Waxaa socda dedaal lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka halkaas oo uu toddobaadkan kasoo noqday wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse.

Wasiirka ayaa kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay Moscow wasiirka mudada dheer xilka haya ee Ruushka Sergey Lavrov, oo isaga toddobaadkan socdaal uga bilowday gobolka Geeska Afrika. Waxa uu ahaa kulankii ugu heer sarreeyay ee dhexmara labada dal wixii ka dambeeyay markii uu bilowday colaada Ruushka iyo Ukraine oo sii kala fogeysay xiriirka Mareykanka iyo awooddii hore ee xilligii dagaalka qaboobaa.

Shir jaraa’id oo ay labada dhinac wadajir ugu qabteen Moscow ayay ku sheegeen inay uga wada hadleen hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet shan iyo afartan sano kahor. Wixii markaas ka horreeyay Ruushka ayaa xiriir dhowr kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidanka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ruushka ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro Al-Shabaab. Lavrov ayaa shaaciyay qorshehan kadib markii uu wada hadal kula yeeshay Moscow wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya. Ma uusan faahfaahin nooca iyo tirada qalabka ciidan ee ay ula diyaarka yihiin Soomaaliya. Ma cadda sida qalabkan ciidan u saameyn karo cunaqabeynta hubka ee saaran Soomaaliya.