AKHRISO:- Uganda oo loogu baaqay inay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya kadib weerarkii Buulo-Mareer

0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiga Isbedelka Dimuqraadiyadeed ee dalka Uganda Harold Kaija ayaa sheegay mar uu Warbaahinta kula hadlay Xarunta Dhexe ee Xisbiga FDC ku leeyihiin Caasimadda dalkaasi ee Kampala ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay Ciidamadeeda kasoo saarto Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay Uganda noqotay Qalab aad muhiim ugu ah Nabad-Ilaalinta Mandiqada, balse aysan ka macaashin Hawlgalkaasi ay Ciidamadooda ka wadaan Soomaaliya.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga FDC waxa carrabka ku dhuftay inay jiraan dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo UK oo iyagu ka macaashay Dagaallada noocaasi ah.

“Waa inaan xitaa ku casuunaa dalal kale ee Ciiddanka xooggan haysta, sida Koonfur Afrika, Masar iyo Sacuudiga oo aan la mid ahayn Ciiddanka Uganda” ayuu yiri Harold Kaija oo intaasi ku daray inuu Musuq ka jiro Ciiddanka Uganda ee loo daad-gureeyo Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay nasiib-xumo tahay inay qaar ka mid ah Ciiddanka Uganda ee UPDF bixiyaan Laaluush si loo xaqiijiyo Daad-gureyntooda Somalia, si ay Dhaqaale ahaan uga macaashaan.

Harold Kaija waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inuu Taliyaha Guud ee Ciiddanka UPDF oo ah Madaxweyne Museveni ka war hayo Qoddobkaasi, balse uu weli ka Aamusnaan yahay.

Dhanka kale, Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Uganda, Sarreeye Guute Felix Kulayige waxa uu ka jawaabay eedeynta Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga FDC u jeediyey Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabad-Ilaalinta Afrika ee ATMIS

“Uma aynaan bixin macaash, mana nihin Calooshood-u-shaqaystayaal. Waddankan waxa uu Ciiddamo ugu daabulay Somalia Hawlgalka Pan African mission, oo ay ansixiyeen Ururka Midowga Afrika iyo QM” ayuu yiri Afhayeenka Ciiddanka Uganda.