AKHRISO:- Shirka guddiga Farsamo ee Maamul baahinta Puntland ayaa maanta ka furmay Garoowe.

0

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha bahwadaagta la ah Mashruuca Maamul baahinta, Guddoomiyayaasha degmooyinka uu ka socdo Mashruucu iyo Saraakiil Madaxtooyo ayaa looga hadlay hawl qabadka Sanadlaha ah ee degmooyinka, Horumarka laga gaadhay iyo caqabadaha ku gadaaman xarumihii Waxbarashada iyo Caafimaadka ee la wareejiyey Sanadkii hore , Xogwaran ku aadan halka uu marayo Mashruuca adeeg baahinta tijaabada ah ee SDM (Service Delivery Model, kala Astaynta Canshuuraha iyo Awdoodaha dowladda dhexe iyo dowladdaha hoose iyo qodobo kale.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeen dowladda Puntland oo laga hago Mashruuca maamul baahinta Puntland ayaa kusoo dhammaaday guul.