AKHRISO:- Qeybinta Kaararka codbixinta doorashooyinka Somaliland oo Maanta billaabanaya

0

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in kaar qaybinta dadkii ka qaybqaatay diiwaangalinta doorashadu uu bilaabmi doonto Maanta oo taariikhdu tahay 31 bishan May.

Koomiishanka Doorashooyinka ayaa munaasibad lagu qabtay magaalada Hargaysa ku shaaciyay bilowga qaybinta kaarka codbixinta, iyado shaqaalihii iyo gaadiidkii qaybinayay kaararka loo kala diray gobolada.

“Koomiishanka doorashoyinka Somaliland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan dadkii ka qaybqaatay diwaangalinta codbixiyayaasha 2022/2023 in kaar qaybinta codbixiyayaashu ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto Somaliland 31, May, 2023, waxayna socon doontaa 10 maalmood ayaa lagu yiri” Fariin kasoo baxday koomiishanka doorashooyinka.

Inkasta oo ay bilaabantay qaybinta kaarka codbixintu, ma jiro wakhti cayiman oo la hubo in doorashooyinku ku qabsoomayaan, isla markaana muddo 9 billood ahayd oo koomiishanku hore u sheegay in doorashada madaxtooyadu ku dhacayso ayaan suuragalin.

Dhinaca kale, wali lagama heshiin doorashada hor qabsoomaysa, ta madaxtooyada iyo doorashada ururada, mucaaradka ayaa raba inta ta madaxtooyadu hor qabsoonto halka xukuumaduna rabto ta ururada hor dhacdo.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Somaliland ka taagnaa khilaaf la xiriiray arrimaha doorashooyinka oo u dhaxeeyay Xukuumadda iyo mucaaradka, kaas oo aan weli wax xal ah laga gaarin