SAWIRO:- Wasiiro Cusub oo lagu dhaariyeey dhuusamareeb

0

Kusimaha Madaxweynaha ahn Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa Munasabad dhaarin iyo Xilwareejin iskgu jirta u sameyay Wasiiro dhawaan la magacabay.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ka qayb galay Munasabad lagu dhaarinayay Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Biyaha,Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Wasiir Dowlaha Gargaarka iyo Maaraynta Masiiboyinka oo ka dhacday Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa kula dardarmay Wasiirada Cusub in ay sida ugu saraysa ugu adeegan bulshada ay u dhaarteen ee Galmudug waxana u Wasiiradi hore ee Wasaradaha Tamarta iyo Biyaha iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada ku amanay Shaqadii qiimaha badnayd ee ay u soo qabteen Galmudug mudadi ay xilka hayeen.

Munasabada Xilwareejinta ayaa waxaa ka so qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Agaasimaha Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowlada Galmudug.