AKHRISO:- Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiyiin kale oo kasoo horjeestay Go’aanadii Shirkii Golaha wadatashiga

0

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Mas’uuliyiin hore xilal u soo qabtay iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaya hore iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore ayay uga soo horjeestay qaar ka mid ah go’aanadii ay kasoo saareen Shirkii ay ku yeesheen Muqdisho Golaha Wadatashiga Qaran.

Qoraal ay soo saareen ayay waxaa ay ku sheegeen in qaar ka mid ah qodobada ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaran ay baalmarsan yihiin shuruucda u yaalla dalka iyo awood qeybsiga.

“ Annagoo ah mas’uuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaan soodhawaynaynaa in dalka la gaarsiiyo hannaan doorasho qof iyo cod ah iyo xisbiyo badan, waxaanna aaminsannahay in ay tahay dariiqa kaliya ee dadkaSoomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdooda kuna gudan karaan waajibaadkooda siyaasiga ah kuna dooran karaan dadka matela, taas ooxoojinaysa dowladnimada iyo dimoqraadiyadda, balse aan u cadeyneyno dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

In Golaha wadatashiga Qaran oo aysan u dhammayn madaxda maamullada dalka ay soo saaraan go’aanno siyaasadeed oo taabanaya masiirka dalka, ay khatar gelinkarto midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in go’aanada massiriga ah ee dalka laga qayb geliyo dhammaan dowlad gobaleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadaSoomaaliyeed.
In qaar ka mid ah qodobbada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ) ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen, sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in waxka beddelka qodabada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadooodu kasoo billowdaan hay’adaha u astaysan lagana tala geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed.
In iyadoo aan si qotodheer looga baaraandegin wax kabaddel siyaasadeed lagu sameeyo habka awood qeybsiga iyo hannaanka Dowladnimada dalka, lagana qayb gelin dhammaan qaybaha bulshada waxa ay keeni kartaa dib u dhac, kalsooni darro iyo tafaraaruq bulsho.
Muddada xilhaynta madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyadu waxa ay ku astaysan tahay dastuurka dowladda federaalka iyo dastuuradda dowlad gobaleedyada, sidaas daraadeed waxaan ku baaqaynaa in laga fogaado mudo kordhin heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.
In urrurada siyaasadeed ee dalka lagu jaangooyo laba xisbi oo kaliya waxa ay muujinaysaa in dadka Soomaaliyeed aanay fursad u helin rabitaankooda siyaasadeed lana doonayo in awoodda lagu soo koobo koox yar.
BAAQ

1- waxaan ugu baaqaynaa baarlamaanka JFS labadiisa aqal in ay ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna dalka ka badbaadiyaan damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geeddisocodka dowlad dhiska dalka.

2- In marka hore Dowladdu ay mudnaanta siiso dagaalka Al Shabaab, tallaaba walba oo siyaasadeed oo culeys ku keeni kartana laga fogaado, laguna dadaalo sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa dhulka Shabaabka laga xoreeyay.

Ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u kuurgalaan qataraha ka imaan kara go’aamada kasoo baxay GWQ oo baalmarsan dastuurka dowladda federaalka iyo dastuuradda dowladgobaleedyada dalka.

Waxaa bayaankaan soo saaray:

1- Sharif Sheekh Axmed

2- Cumar Cabdirashid Cali Sharmake

3- Xassan Cali Khayre

4- Cadiweli Shiikh Ahmed

5- Cabdiweli Cali Gaas

6- Shariif Xassan Sheekh Aaden

7- Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed

8- Hon Abdulqaadir Cosoble Cali

9- Dr Cabdinasir Cabdulle Maxamed