AKHRISO:- Muhaajiriin Doon ay kula qalibantay Jasiirada Sishilis oo la badbaadiyay

0

Markab ay maamusho hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF) ayaa badbaadiyay ku dhawaad 600 oo muhaajiriin ah oo ku safrayay doon buux dhaaftay taasoo ku qalibantay jasiiradda Sicily Sabtidii.

MSF yaa sida Twiterkooda kusoo qoray “Kadib howlgal qaatay saddex saacadood, 599 ayaa la soo badbaaday, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, hadda goob nabad ah ayay ku sugan yihiin.”

Sida ay lagu sheegay xog ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Talyniga in ka badan 47,000 oo muhaajiriin ah ayaa laga diiwaan galiyay Talyaaniga sanadkan, ilaa 18,000 isla muddadaas 2022,