AKHRISO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Baraawe

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta siweyn loogu soo dhoweyey Magaalada Baraawe ee Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, Maamulka Caasimada Baraawe iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Magaalo xeebedka Baraawe.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe ay tahay qaban qaabinta doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed maadaama guddoomiyahoodii Cali Saciid Fiqi uu kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Baraawe kulamo la qaadan doona, Maamulka degmada, Saraakiisah Ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.