AKHRISO:- Go’aano kasoo baxay Shir ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Faysal Sheikh Cali ayaa shir-gudoomiyey Shirka 7aad lahaa ee Gudiga Amniga heer Gobol.

Shirka Waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo, Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolka, Taliyaha Qaybta Booliska, Taliyaha Ciidanka Aaga Daraawiishta Gobolka, isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka, Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka iyo Masuuliyiin kale, shirka oo mudo socday ayaa waxaa ka soo baxay qodobadan.

1-Adkaynta iskaashiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.

2- Xoojinta La dagaalanka waxa loogu yeero Argixisada

3- Adkaynta Sugida Amniga Degmooyinka Bursaalax iyo Galdogob

.4- in horay loo sii wado si dhakhso ah Wada Xaajoodka dhacdooyinkii Teerage iyo Bali-qurun.