AKHRISO:- Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ee Buulo Mareer

0

Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi, ayaa si adag u cambaareysay weerarradii shalay lala beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, saldhiggooda magaalada Buulo Mareer.

Wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, sidoo kale shacabka iyo dowladda Uganda iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Uganda ee Buulo-Mareer.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.

Guddoomiyaha golaha loo dhanyahay ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi, isaga oo sidoo kale sheegay inay sii wadi doonana taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Weerarkii shalay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo ku bilaawday qaraxyo ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegteen inay kudileen 137 Askari, balse howlgalka ATMIS ay sheegeen inay weerarkaasi ku jebiyeen Al-Shabaabkii soo weeraray.