AKHRISO:- Dowladda oo sheegtay inay dagaal ku dishay Xubno katirsan Al-Shabaab

0

Dagaal xoogan ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray degaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen degaankaas, waxaana dagaalkii ka dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Abaanduulaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan.

Wuxuu sheegay in ay dagaalka ku dileen 14 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena Afar kale ay nolosho ku qabteen, isaga oo hadalkiisa intaasi kudaray inay hadda wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Makuude ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda qeybta 60aad iyo kuwa Nabadsugida Koonfur Galbeed ay howlgallo ka wadaan.